Rooble oo bogaadiyay bilaabida Shahaado siinta Xildhibaanada cusub

  1. Ra’iisal wasaraaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya, Maxamed Xuseyn Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf ugu hambalyeey howsha bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
  2. Sida lagu sheegay farrin lagu baahiyay bogga Facebook ee ra’iisal wasaaraha.
  3. Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku bogaadiyay xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, isaga oo sheegay inuu rajeynayo in howsha shahaado siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.
  4. Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT),ayaa maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta xildhibaannadii shalay natiijooyinkooda uu shaaciyay guddiga heer federaal.
  5. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf,ayaa xildhibaanada siiyay shahaadada xildhibaannimo ee ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.