Faah-faahin ku Aadan Lacagta Rooble ufasaxay Somaliland

Rooble lacagta uu ufasaxay Somaliland waa mid kabid Miisaaniyadeed ahayd oo ay ugu deeqeen Somalida Deeq bixiyayaasha caalamka.

Lacagtaas way qaateen qoondadii ay ku lahaayeen Maamulada kale.

Balse Somaliland qoondadii ay ku lahayd Lacagtaas,waxaa hor istaagay Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo,waxuuna ku xiray shuruud ahayd..

In ay soo raadsadaan Lacagtaas oo ay yimaadaan Xamar ama in Wasiir Beyle in keeno oo uu tago Hargaysa,taasoo SL ay iska diiday.

Waa mid ka mid ah dhaqamada iyo aragtiyada uu Dalkan geliyay Farmaajo mudadii uu dalka soo hogaaminayay.

Ma dhicin Madaxweyne ka horeeyay Farmaajo oo sidaa ula dhaqmay SL oo ka hor istaagay adeegii Nololeed ee caadiga ahaa.

Jibril Qoobey.