Faallo:-Kulankii Madaxweyne Deni iyo Shaqaalaha DP World !!

1.Waxuu la kulmay Agaasime Waaxeed hoose ee uma suuroobin in ay is arkaan Agaasimaha Guud,taasoo muujinaysa hoos udhigid.

2.Kulanku ma’ahayn mid rasmi ah oo Shirkadu waxay kasoo saari lahayd Warmurtiyeed.

3.Ma jirin heshiis ama Qodobo macno leh oo kasoo baxay kulanka oo la tilmaami karo.

4.Waxaa kulanka fadhiyay Xasan Deni oo maqaamka uu ku fadhiyay Goobta ay ahayd in uu Madaxweyne Deni la dhashay,taasoo ceebaynaysa Dowladnimada.

5.Agaasime Waaxeed-ka DP World waxay ahayd in loo diro ugu sarayn Agaasimaha Guud ee W.Dekedaha.

Isku soo duuboo dhan walba oo laga eego kulankii DP World iyo Weftiga Puntland ee Madaxweynuhu hogaaminayay,waxuu ahaa mid fashilan.

Halka wax ee lagu amaani karo Madaxtooyada Puntland,waa in ay shaacisay kulanka oo isqarintii ay ka baxday.

Jibril Qoobey.