Galmudug oo lagu qabtay Shabaab Qaraxyo diyaarinayay

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Danab ayaa Duleedka Deegaanka Cadalle ku qabtay Maleeshiyaadka ka tirsan Al shabaab iyo Gaari ay kasoo buuxiyeen Walxaha Qarxa.

Daraawiishta Galmudug ayaa xaqiijiyay inay Maleeshiyaadkaan iyo Gaarigii ay wateen Ciidanku gacanta ku dhigeen ka dib Howlgal qorshaeysan oo laga fuliyay inta u dhaxeeysa wisil iyo Bajeela.

Saraakiisha waxay tilmaameen inay Maleeshiyaadku doonayeen inay qaraxyo dhigayaan Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo laakiin Ciidamada oo ka war helay Dhagarta Nabad diidka Al shabaab ay waqti ku bixiyeen sidii Gacanta loogu dhigi lahaa ayna Suuro-gashay.

Xigasho:-Galmudug Tv.