Ma laga filayay Gaas in uu garab unoqdo Fahad Yaasiin?

Gaas marna lagama filayn in uu xataa si dadban ugu noqdo Fahad taageero.

Sababtoo ah Gaas ma’ahan Qof Ajanabiya oo wax laga waydiiyay Arimaha Somaliya ama ma’ahan Faaloode madax banaan.

1.Waa Muwaadin Somaliyed oo damiir Wadaniyadeed looga fadhiyo.

2.Waa Ra’isalwasaarihii Jamuhuuriyada mar soo xukumay oo masuuliyad gaar ah ay saaran tahay.

3.Waa Madaxweynihii Puntland oo masiirka Dadkaas ay tahay in uu utoog hayo si gaar ah.

Si walba oo aad isku diidan tihiin ama aad usaluugsan tahay hogaamiyaha markaa fadhiya Qasriga Buurta saaran ee Garowe khatarta Umadu waa mid.

Siyaasiga hadana noqda hogaamiyaha saamayn,ayuu ku leeyahay Bulshada ay tahay in uu ilaaliyo oo uu jiheeyo.

Si gaar ah reer Puntland waxay ugu horeeyaan Somalida ay taabatay dhibaataynta Fahad.

Fahad in laga reebo Kursiga Xildhibaanimo waa talaabo yaraynaysa khatarta uu ku yahay Qaranimada Dalka.

Jibril Qoobey.