Ma Maraykanka ayaa ka danbeeya qorshaha ridida Imran Khan?

Ra’isal wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa ka badbady cod kalsooni kala noqosha ah oo awoodda lagaga xayuubinayey hase yeeshee gudoomiye ku xigeenka baarlamanku ku sheegay sharci darro.

Go’aankaas ayaa waxa ka dhashay mudaharaadyo ay dhigayaan xisbiyada mucaaradka ah oo sheegay in ay haatan dacwad u gudbinayaan maxkamadda ugu sarraysa dalkaas.

Imran Khan ayaa ku sheegay arintaas shirqool Maraykanku wado hase yeeshee Washington way ku gacansaydhay eedaaas.

Mr Khan ayaa ahaa nin si weyn uga soo horjeeda musuq maasuqa, waxaana uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyay inay lacago ku bixiyaan xubnaha baarlamaanka si ay isaga u codeeyan, eedeymahaas oo ay beeniyeen kooxaha mucaaradka.