Rooble oo u amray Somaliland in loo fasaxo Lacag laga xanibay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS.

Lacagtan,ayaa ahayd deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland.

Lacagtan,ayaa Ra’isalwasaaruhu u amray fasixideeda si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.