Video:-Wefti sare oo ka socda Qaramada Midoobey oo soo gaaray Garowe

Kusimaha Madaxweynah Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Iinsaanka UNSOM ee Somaliya Mrs Kirsten Young Ahna Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo wefti ay hogaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin…

1.Xaalada xuquuqul Aadanaha ee Puntland,

2.Hir-gelinta Xeerka Caalamiga ah ee dhowrista Xuquuqda Maxaabiista iyo xukunka da’yarta lagu helo dembiyada culus.

3.Dhismaha xarunta dhaqan celinta da’yarta,

4.Horumarinta iyo Dhisidda Xabsiga Galkacyo.

5. Xarunta Maxkamadda Ciidamada,

6.Tababarka Garsoorka dhanka shuruucda Caalamiga ah.

7. Xoojinta Xaafiiska xuquuqul Aadanaha Puntland iyo dhisida xarunta dhexe ee xafiiska.

.

Halkan ka daawo muuqaalka