Fahad Yaasiin oo si dadban ugu hanjabay Rooble

Qoraal xalay xilli dambe ka soo baxay hay’adda nabadsugidda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay inay heleen xog la xidhiidha, in kooxda al Shabaab ay beegsanayaan madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha, Maxamed Xuseyn Rooble.

Qoraal lagu baahiyey barta twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahaba.

Ha’adda nabadsugidda ayaa qoraalkooda ku magcaabay xubin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu qayb ka yahay qorshahaas, hase ahaatee ay hay’addu ku dabo jirto.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Ra’iisal Wasaare Rooble uu maalmo ka hor warbaahinta la wadaagay halis amni oo ka dhan ah.