Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo Aas-qaran loo sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Saaladda Janaasada ku tukaday maydka Alle Ha’unaxariistee Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo ka mid ahaa Isimada Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan xildhibaanada heer Faderaal, Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimmo, Culimaa’udiin iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-galay Aaska.

AHUN Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga, ayaa maydkiisa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe, halkaasi oo Madaxweyne Ku-xigeenka, Xildhibaano heer Federaal ah, Goleyaasha Dowladda, Hoggaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadu ay ku tukadeen salaadda janaasada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa Tacsi u diray dhammaan ummada Soomaaliyeed, shacabka Puntland, hoggaanka dhaqanka iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumku. wuxuuna alle uga baryay inuu janadii geeyo ehelkiisiina samir iyo iimaan kasiiyo.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.