Koonfur-galbeed oo sheegtay in ay joojisay wada shaqayntii Doorasho Ee Ra’isalwasaaraha

DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO JOOJISAY WADASHAQEYNTA RW ROOBLE EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

Baydhabo, 5ta Abriil, 2022: Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.

Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegaysaa in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

DHAMMAAD