Sh.Shariif oo si adag udhaleeceeyay digniinta Amni Ee Nisa

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliilay qoraal xalay kasoo baxay hay’adda NISA oo ay ku sheegtay in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay beegsato madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Qoraalkaas oo lagu daabacay bartta twitter-ka ee NISA, ayey hay’addu ku tiri “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Sheekh Shariif oo bayaan soo dhigay boggiisa Facebook ayaa yiri “Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran.”

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed, sida ku dhigan qoraalkiisa.

“Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka,” ayuu yiri Shariif.

Qoraalka NISA ayaa waxaa ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo su’aalo la isku weydiiyey xilliga lagu soo beegay iyo haddii ay sax aheyd in qoraal noocaas ah ay faafiso hay’ad sirdoon.

Qoraalka ayaa kusoo aaday ayada oo khilaafyo cusub ay hareeyeen arrimaha doorashada dalka, xilli ay socoto shahaado siinta xildhibaanada.

Ra’iisul Wasaare Rooble, oo dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay farriimo hanjabaad ah, ayaa xalay laba xubnood ka saaray guddiga doorashada heer federal, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay carqaladeyn ka dhex-wadaan guddiga, wuxuuna ku beddelay xubno cusub.

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka falceliyey tallaabadaas ayaa sheegay inay xiriirka wada-shaqeyn ee arrimaha doorashada u jareen ra’iisul wasaaraha.

Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ayaa horey u qaadacay shaqada shahaado siinta xildhibaanada ee uu wado guddiga doorashada heer federaal, ayaga oo taa beddelkeeda sheegay inay liiska xildhibaanada lagu soo doortay deegaanadooda ku wareejinayaan xogheynta labada Aqal ee baarlamanka.

Si kastaba, xubno dhowr ah oo ka mid ah kuwa laga soo doortay deegaanadaas ayaa qaatay shahaadada, waxaana hadda xildhibaanada la siiyey shahaadada guud ahaan ay kor u dhaafeen 130, welina waa socotaa shahaado bixinta.