Maraykanka oo taageero umuujiyay Rooble iyo Muuse

Mareykanka,ayaa ugu baaqay Labada Maamul ee Jubaland iyo HirShabelle in ay si degdeg ah ku soo dhameystiraan kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee iyaga ku harsan.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen inay si deg deg ah u soo dhameystiraan kuraasta ka harsan Baarlamaanka,Waxaan rajeynaynaa in 14-ka April la dhaariyo Xildhibaanada cusub, waxaana boorinaynaa wada-hadal iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo in doorashada la soo geba-gabeeyo si nabad ah iyo iyadoo la wada ogolyahay.” ” ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Warka Maraykanka oo qayb ka ah soo jeedinta guud ee kasoo baxday Beesha caalamka ee danaysa arimaha Somaliya,ayaa umuuqda mid garabsiinaya dadaalka Ra’isalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashada.

Beesha caalamku waxay si aan leex-leexad lahayn usheegtay in ay khasab tahay dhaarinta Xildhibaanada ee 14-ka April xataa hadaysan dhamaystirnayn.

Sidoo kale waxay digniin udirtay cid walba oo ku hawlan hor ustaaga dhamaystirka geedi socodka hanaanka Doorashada Xildhibaanada Fadaraalka.