Video:-Indhacade”Farmaajo 12-ka Bisha,ayuu rabaa in uu Dalka Afganbiyo”

Waxaa soo xoogaysanaya warar laysla dhexmarayo oo sheegaya in Farmaajo diyaarsaday Ciidamo uu rabo in uu Dalka ku inqilaabo.

Qorshahaas,ayaa la sheegayaa in lagu diyaariyay gudaha Muqdisho iyo Gobolka Gedo.

Ciidamada la isticmaalayo,ayaa kuwii lagu soo tababaray Eretereya oo si hoose loosoo geliyay gudaha Dalka,sida ilo wareedyo aan la xaqiijin karin ay sheegayaan.

indhacade oo mar soo noqday Wasiir horayna uga mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore ee Koonfurta Dalka ka arimin jiray,ayaa xogtaas ka sheegay Shir ay iskugu yimaadeen Waxgarad udhashay Beesha Habargidir,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka