Wakiilkii Midowga Afrika Ee Somaliya oo dalka laga saaray

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo lagu baahiyey barta twitterka ayaa lagu sheegay in dalka laga caydhiyey wakiilka Midawga Afrika ee Somalia Danjire Franciso Madeira, iyada oo loo qabtay inuu dalka kaga baxo 48 saacadood gudahood.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay in dawladda Somalia ay u aqoonsatay wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, waxaana qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha ka soo baxay lagu sheegay in wakiilka midawga Afrika ee Somalia oo ah inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, iyada oo uu Ra’iisal wasaare Rooble uu ka codsaday ururka midawga Afrika inay dib ugu yeedhaan Ambassador Francisco Madeira.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan hawlgalka cusub ee ATMIS isla markaana ay sugayaan inay la shaqeeyaan madaxa cusub ee hawlgalkan.

Waa sarkaalkii labaad ee ka tirsan midawga Afrika ee ay dalka caydhiso dawladda Somalia, iyada oo ay ahayd bishii November ee 2021 markii dalka laga eryey ku-xigeenkii ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika Simon Mulongo.