DOWLADA JUBALAND WAXAY U ARAGTAA DANJIRAHII HORE EE MIDOGWA AFRIKA INUU LID KU AHAA HANAANKA DOWLAD DHISKA IYO MADAXBANAANADI DALKA

DOWLADA JUBALAND WAXAY U ARAGTAA DANJIRAHII HORE EE MIDOGWA AFRIKA INUU LID KU AHAA HANAANKA DOWLAD DHISKA IYO MADAXBANAANADI DALKA.

Kismaayo, 07, April, 2022-Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday.

Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Francisco Madeira, waxaa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland ah ay kusoo qaaday Jubaland sidoo kale waxaa uu ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019ka ee Jubaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin.

Sidoo kale waxaa uu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummada inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.

                      DHAMMAAAD.