Hogaamiyihii Alqaacida oo soo hadlay mudo lagu muransanaa Geeridiisa kadib

Ururka al-Qaacida ayaa shaaciyay muuqaal laga arkayo hoggaamiyahooda, Ayman al-Zawahiri, kaasoo caddeyn u ah in uu nool yahay.

2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii, ayaa Ayman al-Zawahiri laga dhigay hoggaamiyaha ugu sarreeya al-Qaacida kaddib markii ay ciidamada Mareykanka dileen aasaasihii ururka, ahaana hoggaamiyahooda, Cusaama Bin Laadin.

Cusaama waxaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Abbottabad oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.

Dr. Ayman al-Zawahiri ayaa muddo dheer soo ahaa ku xigeenka Cusaama Bin Laadin, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii (oo loo yaqaanno weerarradii 9/11).

Muuqaalkan ay dhawaan shaaciyeen al-Qaacida ayuu Al-Zawahiri ku amaanayaa gabadh ardayad ah oo lagu magacaabo Muskan Khan, oo u dhalatay dalka Hindiya.

Ardayaddan oo kasoo jeedda gobolka Karnataka ayaa dhowr isbuuc ka hor warbaahinta qabsatay kaddib markii uu cirka isku shareeray muranka la xiriira xijaabka.

Sanadkii 2020-kii waxaa soo shaac baxay warar sheegayay in hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri uu u geeriyooday xanuun uu muddo la il darnaa.

Hase yeeshee muuqaalka cusub ee ay sii daysay shabakadda ayaa lasoo saaray 5-tii bishan April, waxaana lagu arkayaa Ayman al-Zawahiri oo isagoo la maqli karo ka hadlaya arrin dhacday 8-dii bishii February ee sanadkan 2022-ka.