Maamulka Amxaarada Itoobiya oo lagu Eedeeyay xasuuq isir sifayn ah

Hay’addaha xuquuqaha aadamiga u doodda ee Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa xooggaga Axmaarada ku eedeyay inay gaysteen isir sifayn ka dhan ah Tigreega.

Warbixin dheer oo ay siwada jir ah usoo saaren ayaa lagu sheegay in gabood fallo iyo tacadi shacabka Tigreega loo gaystay( Deeganka Axmarada dhexdiisa).

Eedaymahan ayay maamulka Axmaaradu waxba kama jiraan ku tilmaameen,waxayna buurralaydii uga falcelisay si cadho ku dheehan tahay.

Buurralayda dalka dibadiisa(Axmarada) ayaa maalmahan taagerayay qorshaha Maraykanku ku doonayo in gabood falladii dagaalka waqooyi ka dhashay lagu baadho,sigaar buurralaydu waxay calamada u luxayeen in la meel mariyo cunaqabataynta miiska saarran ee ka dhanka ah Itoobiya

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in Dowladda dhexe ee Itoobiya warbixintan soo dhawaysay.Dowladda dhexe waxay sheegtay inay arrintan baadhi doonto,cidkasta oo gabood fallo iyo isir sifeyn lagu helana ay la xisaabtami doonto.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili muddooyinkan maamulka Axmaradu duurgal ahaa,iyagoo u muuqday kuwo ka leexday dhabihii Barwaaqo ee shirwaynaha la jeexay.


VOSS TV