Qoor-qoor iyo wefti la socda oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuso dhoweyey Wafti uu Hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Waftiga waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan Baarlamanka cusub gaar ahaana kuwa kasoo jeeda Beesha Hawiye.

Ueedka safarkooda,ayaa salka ku haya sidii ay garowshiyo uga bixin lahaayeen tabashada koonfur galbeed ee xildhibaanada loo diiday in la siiyo shahaadada xildhibaanimo.

Madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa shalay ku eedeeyey RW Rooble inuu si gaar ah uu hor istaag ugu sameeyey xildhibaanadii lagu soo doortay Koonfur Galbeed.