Xubinimadii Ruushka ee Golaha Xuquuqda Aadamaha Ee QM oo la hakiyey

Golaha Guud ee QM ayaa Khamiistii shalay u codeeyey hakinta xubinimada dawladda Ruushka ee Golaha Xuquuqda Aadamaha ee QM. Go’aanka ayaa la xiriira xadgudubyada lagu eedeeyey in Ruushku uu ka geysanayo dalka Ukraine.

93 dal ayaa u codeeyey go’aanka joojinta, 24 way diidday, halka 58 dalna ay ka aamuseen. Golaha ayaa xubinimadii Ruushka u hakiyey arrimaha la xiriira “xadgudubyada waaweyn ee abaabulan ee xuquuqda aadamaha” iyo xadgudub dhinaca sharciga dawliga ah, kuwaas oo laga galay dalka Ukraine.

In qaraarku meel maro waxaa loo baahan yahay labo meeloodow saddex, iyada oo dalalka ka aamusayna aan la tirineynin.

Afartan iyo toddoba dal ayaa ku jira Golaha Xuquuqda Aadamaha oo xaruntiisu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Waxaa cod qarsoodi ah ku doorta Golaha Guud ee QM. Ruushka waxa uu hadda ka mid ahaa golahaas oo 3 sano oo kasta doorasho loo galo. Xubinimada Ruushka ayaa dhamaaneysay 31ka bisha December ee sanadka dambe ee 2023.