Ruushka oo badalay hogaamiyihii Ciidanka Ukran ka dagaalamaya

Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa xaqiijiyay in Ruushka uu isbedal ku sameeyay taliska duullaankiisa Ukraine, iyadoo uu hoggaanka la wareegay janan cusub oo khibrad u leh dagaal gelinta, kana soo shaqeeyay Suuriya.

Jenaraalka ayaa magaciisa lagu sheegay Alexander Dvornikov, waana taliyaha aagga Koonfureed ee Ruushka.

Magacaabista janankan ayaa looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo isku xirka ciidamada kala duwan ee qeybta ka ah duullaanka, iyagoo markii hore hoos tegi jiray abaanduulayaal kala duwan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Ruushka ayaa 44 maalin kadib weli gaari la’ yoolkiisa ahaa inuu gacanta ku dhigo Ukraine, gaar ahaan caasimadda Kyiv.

Waxa uu hadda xoogga saarayaa gobolka bari ee Donbas, halkaas oo xukuumadda Kyiv ay sheegtay inuu ka geysan rabo tacaddiyo ballaaran.

Sababta ugu weyn ee ay u dhaqaaqi waayeen ciidamada Ruushka ayaa lagu sheegay in xooggaga Ukraine ay isu qeybiyeen kooxo tiro yar, oo weerarro gaadmo ah ku ekeeya ciidanka soo duulay.

Saadaasha dalalka Galbeedka ayaa ah in Ruushka uu sii xoojin doono duullaankiisa ka hor 9-ka May oo ah marka dalkaas laga xuso guushii uu ka gaaray dagaalkii labaad ee dunida.