Dowlada Fadaraalka ah oo fasaxday dhismaha Dekeda Bosaso

Heshiiska cusub ee Dekeda Bosaso,waxay ubadan tahay in uu hirgalo.

Dhismaha Dekeda Bosaso,waxaa la filayaa in ay dhaqaaqdo markan.

Deni markale,ayuu heshiis cusub la galay DPWorld.

Sababta ugu weyn ee loo fili karo in uu shaqeeyo heshiiskan cusub oo dhismihii Dekeda uu bilowdo,waxay tahay fasixii Dowlada Fadaraalka oo la helay,sida ay xaqiijinayaan Ilo muhiim ah.

Ra’isalwasaare Rooble,ayaa siiyay Deni Warqadii looga baahnaa Dowlada Fadaraalka si loo bilaabo dhismaha Dekeda Bosaso.

Hadii heshiiskan cusub ee Dekeda Bosaso ufulo sidii loogu talagalay,waxuu Deni uyahay waxtar dhinacyo badan leh.

Jibril Qoobey.