Madaxweynaha Jubaland oo ka hor yimid soo jeedin ka timid B.Caalamka qaarkeed

Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo caawa Afur usameeyay Xildhibaanada Fadaraalka ee laga soo doorto Jubaland,ayaa si cad usheegay in aysan macquul ahayn soo jeedinta ka timid Beesha caalamka qaarkeed.

Dalalka qaar,ayaa qaba 16-ka Kursi ee Garbahaarey in loo kala qaybiyo Madaxweyne Axmed iyo Farmaajaha mudo xileedkiisu dhamaaday.

Dalalkaas,waxay kaloo qabaan in qolo walba meeshay rabto ku qabsato doorashada qaybtooda.

Sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah Maraykanka,ayaa hor istaagay qorshihii Jubaland ee ku qabashada doorashada Ceelwaaq,waxuuna cadaadis saaray Kenya.

Sidoo kale Maraykanku,waxuu hor istaagay qorshe kale oo garabka Farmaajo ay ku rabeen in Ciidamada Itoobiya ay ku adeegsato,isagoo cadaadis saaray Adis-ababa.

Jibril Qoobey.