Midowga Afrika dib udhaca doorashada miyuu Farmaajo kala shaqaynayaa?

Warqadda kasoo baxday Midowga Afrika waxay u muuqataa mid lagu carqaladaynayo Doorashada.

Midowga Afrika,waxuu doonayaa in dhaarta Xildhibaanada ay dib u dhacdo,waana argoosi ninkii la eryey.

Dhaarta Xildhibaanada oo ku beegan 14-ka April dib ayey u dhaceysaa oo Hoolkii dhaarta loo balamiyey,wuxuu ku yaal goobaha ay xirteen.

Sidoo kale,waxaa jira warar sheegaya in Itoobiya ay qayb ka tahay qorshe balaaran oo doorashada lagu fashilinayo.

Dad badan,ayaa dood ka keenay in maalinta loo qorsheeyay dhaarinta xildhibaanada uu Wakiilka la cayrshay dhihi karo wax walba waa la xiray,iyadoo sabab looga dhigayo arimo Amni?

Su’aal kale oo Dadku iswaydiinayaan,ayaa waxay tahay…Muxuu Madera og yahay oo la fulin doonaa maalinkaas?

Wakiilka Midowga Afrika ee la cayrshay,waxuu ku sugan yahay Nayrobi,waxaase jira warar sheegaya in uu imaan doono kadibna iscasili doono.

Jibril Qoobey.