Rooble oo KG ufasaxaya Kuraas welise dhagan Kursiga Fahad

Rooble waa ku dhagay,waana diiday in la sii daayo Kursiga Fahad Yaasiin.

Taa badalkeeda,waxuu ogolaaday in 3-da Kursi ee Koonfur-galbeed 2-ka mid ah loo sii daayo midna laga reebo,sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan.

Dhanka kale ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble ayaa la kulmay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan.

Sidoo kale ra’iisul Waaaaraha Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa la kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS oo uu kala hadlay qabanqaabada iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada ee qorsheysan 14-ka bishan.

Rooble,waxuu ku dadaalayaa in dhaarinta Xildhibaanada ay dhacdo 14-ka bishan ee loo qorsheeyay.

Balse,waxaa jira caqabado ka imaanaya Midowga Afrika.

Jibril Qoobey.