Xildhibaanadii Fadaraalka Ee PL laga doortay oo dib loogu celiyay Garowe

Inta badan Xildhibaanadii Fadaraalka ee Puntland laga soo doortay dib,ayaa loogu ceshay Garowe.

Sababta loogu amray in ay soo laabtaan,ayaa waxay tahay Deni oo wal-wal ka qaba xod-xodasho in lagu sameeyo.

Agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland,ayaa Xildhibaanada uga horeeyay Xamar si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqooda uguna diyaariyaan Hotelo,isla markaana soo celintooda uga shaqeeyaan.

Madaxtooyada Puntland waxay siisay Mushahaarkii Bishan oo dhan 3000 oo dolar calaa Xildhibaan.

Sawirka diyaarada waa mid hore.

Jibril Qoobey.