Axmed Karaash oo bogaadiyay Doorashada Duqa Qardho

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa boggaadiyay hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo si wanaagsan u socda iyo Golaha deegaanka cusub ee degmada Qardho oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen.

“Aniga oo ku hadlaya Magacayga, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland-ba Waxaan u hambalyaynayaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka cusub ee degmada Qardho iyo labada Urur ee Mideeye iyo SINCAD oo ay kasoo baxeen muujiyeyna dedaal dheeri ah.

Sharaf bay u tahay dowladda iyo shacabka Puntland in maanta si dimuqraadiya loo dooranayo maamul degmooyin, taas oo ah natiijo aynu ka dhaxalnay sidii aynu gacmaha isu qabsanay doorashadii 25-Oct-2021.

Ururada Siyaasada, Guddiga kumeel gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha Arrimaha doorashooyinka, Bahda Warbaahinta, Ciidamada Amniga, Ururada bulshada,Shacabaka reer Puntland iyo cid walba oo qaadatay doorkeeda wanaaga waan uga mahadcelinayaa.

Maanta waxaynu joognaa bilow fiican oo aynu kusoo gaadhnay isku duubni loona baahan yahay inaan hore uga socono, sidaas darteed waa inaan u istaagnaa sidii aynu u gardaadin lahayn nidaamkan curdinka ah.

Gudoonka cusub ee la doortay waxaan rajaynayaa inay sii dar-dar geliyaan shaqada degmada dadkoodana ugu adeegaan si daacad ah xilkasnimona ku dheehan tahay.

Alle ha idiin fududeeyo masuuliyada aad qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND