Dood adag oo dhexmartay Beesha caalamka iyo Rooble

Ra’isalwasaare Rooble Maanta kulankii uu la yeeshay Beesha caalamka si adag,ayuu udifaacay shaqada doorashada ee uu hogaaminayo.

Wakiiladu waxay ku yiraahdeen na fahansii sababta aad ureebteen 4-ta Kursi?

Rooble muxuu ku jawaabay?

4-ta Kursi,waxaan uhakinay anagoo ku dadaalayna in aan ka qabano khaladaadkii dhacay oo Umada Somaliyed aan waxuun ku qancino.

4-tan waxay noola muuqdeen kuwii ugu liitay habka loo maamulay doorashadooda,anagoo og in guud ahaan khaladaad fara badan ay dhaceen.

Kursiga Fahad,ayaa si gaar ah loo waydiiyay sababta loo haysto.

Rooble muxuu uga jawaabay?

Fahad dalkan 5-tii sano ee udanbaysay,waxuu qayb weyn ka ahaa xumaan waxii ka dhacay.

Hadii Madaxweynuhu ila fahansanaan lahaa danbiga uu dalkan ka galay Fahad,waxaan ka mamnuuci lahayn abid doorasho.balse nasiibdaro ilama fahansana.

Fahad Kursigiisa si ka baxsan kuwa kale,ayaa loo maareeyay oo Ciidamo,ayaa diyaarad lagu daabulay ergadii dooran lahaydna waa lasii qaaday,isla markaana Gudiga oo soo saaray Warqad lagu amrayo in la joojiyo doorashadiisa,ayaa layska dhaga tiray.

Kursigaas ma’ahan mid marna lasii dayn karo oo xalaal ah.

Wakiiladu waxay waydiiyeen su’aal ahayd maxaad Maxkamad ugu gudbin wayday?

Rooble,waxuu ku jawaabay in aysan jirin Maxkamad sharci ilaalinaysa oo macna leh meekna ay ufadhido Farmaajo.

Rooble,waxuu hadalka kusoo xiray in shaqada uu hayo ay tahay waxa kaliya ee dalkan looga gudbin karo xaalada adag ee uu ku jiro ayna tahay in Beesha Caalamku ku kalsoonaato shaqada uu hayo kuna garab siiso.

Ugu danbayn Wakiilada caalamku,iyagoo caga jiidaya oo u arka in aysan hayn xal aan ahayn in ay taageeraan dadajinta doorashada iyo shaqada Rooble ayay goobta ka dareereen.

Jibril Qoobey.