Jubaland iyo ra’isalwasaare Rooble oo is afgarad ka gaaray Doorashada Garbahaarey

Xubno katirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Dalka,ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

Xubnahan,ayaa Guddiga xalinta khilaafaadka wakiil uga ah doorashooyinka ka dhacaya Jubbaland waxay qayb kaso ahaayeen xildhibaanadi lagu doortay deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland hadana waxay qayb ka noqon doonaan doorashada Deegaan Doorashada 2-Aad ee Jubbaland.

Caawa ilaa Habeen danbe dareen baa jira ah in warqada lagu qeexayo Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ay soo baxdo.

Sidoo kale waxaa suurtagal ah maalinka dhaarintu dhacayso galinkeeda danbe in Warqad lagu sharaxayo Deegaan doorashada Labaad ee Jubaland ay soo baxdo.

Isku soo wada duuboo Dowlada Jubaland,waxay wadaa dadaal ay ku doonayso in Xildhibaanada Gedo aysan ka dib dhicin Doorashada Madaxda Qaranka.

Jibril Qoobey.