Tolow, yaa qora khudbadaha Madaxweynaha!!!? W/Q Ustad Axmed Shariif

Nicmooyinka ilaahay tirokoob laguma samayn karo. Dhamaantood se waan uga shukriyaa. Waxaana kamida dulqaadka aan ku dhageystay 33:33daqiiqo khudbadii Mweynaha.

  1. Mweynuhu burburkii 1990 waa sheegay. Balse sababtii burburka waa ka booday.
  2. Mweynuhu nooma sheegin waxqabad ciidanka 5tii sano ee la soo dhaafay.
  3. Mweynuhu marna ma soo hadal qaadin abaarta ba’an ee dadka Somaliyeed ku habsatay. Malaha waxay u joogtaa “udub islaameed abaar kama mudna”!!!
  4. Mweynuhu ma soo hadal qaadin doorashada iyo deganaasho la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.
  5. Mweynuhu kama hadlin khilaafka siyaasadeed ee dalka hareeyay. Sababayna in Rwasaarihiisii iyo kuxigeenkiisiba ay ka maqnaayeen munaasabada.
  6. Mweynuhu kuma nuuxnuuxsan xaalada amni darro ee dalka ka jirta, gaar ahaan caasumada.
  7. Mweynuhu ma xusin kaalinta Mweynayaashii ka horeeyay ay ku lahaayeen dhismaha ciidanka, soo celinta maamulka hawada Somalia, dacwadii Badda ee Kenya nagala dhaxaysay iyo siyaasada arimaha debada, toona!
  8. Mweynuhu inkastoo asagoo debada ka yimid, doorasho xasiloon oo xor iyo xalaal ah lagu doortay, hadana ma xusin wax dawlad iyo dedaal ah oo u dhexeeyay asaga iyo Jaale Siyaad! Waxaan soo xasuustay habeenkii la doortay hadal jeedintii 1aad inuu yiri “dalku 27sano dawlad ma lahayn”!!!
  9. Mweynuhu wuxuu aad iyo aad ugu celceliyay erayga “wadaniyad”! Taas oo ah shayga qura ee naga wada maqan hadaynu Somali nahay.
  10. Mweynuhu wuxuu ka dhawaajiyay dawlad wanaag iyo la dagaalan musuq! Waxaan u fahmay inuu ka hadlayay dal kale oo magiciisa aanu xusin🤣😂

Tolow, yaa qora khudbadaha Mweynaha!!!?
W/Q Ustad Ahmed Shariif