Faahfaahin Qaraxii Xalay Kismaayo ka dhacay

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana lagu weeraray guri uu daganaa mid kamid ah masuuliyiinta maamulka Jubbaland.

Masuulka la qarxiyay waxaa lagu magacaabaa Carab,waxuuna ka shaqaynayay Dekada kismaayo.

Gurigiisa,ayaa lagu soo garaacay afurkii kadib qaraxa,ayaa lagu sameeyay,waxaana ku geeriyooday xaaskiisa iyo Wiil uu dhalay isagana dhaawac,ayaa soo gaaray.

Xaaladu Magaalada Kismaayo way degan tahay Qaraxaas kadib.

Jibril Qoobey.