Gudoomiye Muuse iyo Wefti hogaaminayo oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha iyo weftigiisa,Waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Muuse Geelle,ayaa utagay Baydhabo si usoo horkaco Xildhibaanada halkaas ku go’doonsan,waxaana jira tanaasul ay Gudigu usameeyeen KG oo ku aadan 3-da Xildhibaan ee laga reebay 77-da kasoo baxay Deegaankaas.

Sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan 2-Xildhibaan,ayaa loo sii daynayaa Madaxweyne Laftagareen halka mid laga reebayo 3-da hada laga haysto.

Tagida Weftiga Gudiga doorashada ee Baydhabo,ayaa kusoo aadaya,iyadoo loo balansan yahay maalinka beri ah in la dhaariyo Xildhibaanada Fadaraalka.