Madaxweyne Deni oo soo gaaray Nayrobi

Madaxweyne Deni,waxuu soo gaaray Nayrobi,kadib mudo uu ku maqnaa Imaaraadka.

Nayrobi,waa ubucda olalaha Doorashada Madaxweynaha Somaliya oo waxaa ku sugan in badan oo Musharaxiin iyo Xildhibaano ah.

Deni waa Ninka ugu awooda badan xiligan musharaxiinta utartamaya Madaxtooyada Fadaraalka.

Ugu yaraan 70-Xildhibaan iyo 40-Milyan oo dolar oo Cash ah,ayuu heli karaa.

Balse hal cilad,ayaa khatar ku ah,taasoo ah Olalihiisa oo aan qaabaysnayn ama Saldhig rasmi ah aan lahayn.

Ilaa iyo hada lama yaqaan Madaxa Olalihiisa si waadixa halka Musharaxiinta kale la yaqaan oo ay toos uwadaan Olale iskugu jira kulamo,balamo iyo xod-xodasho.

Deni,waxaa lagu tilmaamaa Nin ku fiican Olalaha,balse ku xun isku haynta iyo Dad wadashada.

Awooda uu maanta gacanta ku hayo,waxa uu ku kasbaday magaca iyo maqaamka Puntland ee uu hogaaminayo,balse majiro qorshe Puntlanderaysan oo uu ku wajahayo Doorashada.

Jibril Qoobey.