Dhaarta Xildhibaanada oo si toos ah uga bilaabatay Teendhada Afisyoone

Waxaa si rasmi ah teendhada Afisyooni uga bilaabatay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal.

in ka badan 200 oo xildhibaan ayaa maanta la dhaarinayaa.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa sugaya amniga goobta lagu qabanayo dhaarinta xildhibaanada.

Koox koox ayaa loogu yeerayaa xildhibaanada cusub, waxaana dhaarinaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobleayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeedin doono madasha.