Ruushka oo laga dejiyay Markab muhiim ahaa

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka oo waxyeelo kasoo gaartay qarax Arbacadii lasoo dhaafay dhacay ayaa quusay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Markabkani ayaa waxay horey dowladda Ruushka u sheegtay in uu dab qabsaday.

Dabka ayaa sababay qaraxa rasaasta markabka dagaalka saarneyd, Ruushka ayaa sheegay in gabi ahaan shaqaalihii markabkaasi markii dambe loo daad gureeyay maraakiibta Ruushka ee ku dhowaa badda madow.

Dowladda Ruushka wax faahfaahin ah kama bixin qaabkii uu u dagay markabka dagaal.

Markii hore waxay wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka ay sheegtay in markabka dagaal uu dul sabeynayo badda, balse gelinkii dambe ee Khamiistii warbaahinta dowladda Ruushka ayaa baahisay warka sheegaya in markabka Moskva uu dagay.

Markabkan oo 510 shaqaale qaada ayaa horkacayay weerarkii ciidamada badda ee Ruushka a ka geysteen Ukraine, isagoo ah astaan muhiim u ah militariga.

Ukraine ayaa sheegtay in markabka ay ku weerartay labo ka mid ah gantaalladeeda Neptune.

Markabka ayaa degay iyada oo dib loogu soo celinayo mid ka mid ah dekadaha Ruushka xilli ay cimilado ay aad u xumeyd oo ay dabaylo socdeen.

Maalintii ugu horeysay ee duulaanka Ruushka ee Ukraine 24-kii Febraayo, Moscow waxay heshay sumcad ka dib markii ciidamada ay tiradooda aad u yartahay oo ah kuwa Ukraine ee difaacayay Jasiiradda Snake ee Badda Madow ay ugu baaqeen in ay isa soo dhiibaan , dalabkaasi oo ay ciidamadaasi Ukraine ay diideen .

Markabkan waxaa uu horey sidoo kale uga soo dagaalamay dalka Suuriya, halkaasi oo uu gacan ka siinayay ciidamada Ruushka weeraradooda.

Wasaarada gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa ku tilmaamay degitaanka Moskva mid ‘dharbaaxo weyn ku ah maraakiibta dagaalka Ruushka .

Weriyaha BBC-da ee Moscow ayaa sheegaya in ay sidoo kale degidda markabkani ay ka hor imaaneyso sheegashada madaxweyne Putin ee ah in howlgalkiisa gaarka ah ee milatariga Ukraine uu u socdo sidii loo qorsheeyay.

Markabkan Moskva oo laba iyo toban kun oo tan ah ayaa ah markabkii dagaal ee ugu waynaa ee dega xilli uu dagaal socdo tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.

Muhiimad intee la ek ayuu leeyahay Moskva?
Markii hore waxaa lagu sameeyay gudaha Ukraine xilligii Soofiyeetka, markabka ayaa shaqo bilaabay horraantii 1980-meeyadii sida laga soo xigtay warbaahinta Ruushka.

Markabkan gantaallada qaada ayay hadda ka hor xukuumadda Moscow geysay dagaalkii Suuriya isagoo lagu raray qalab difaac oo u socday ciidamada badda ee Ruushka ee dalkaas.

Wuxuu qaadi karaan dhowr hub oo nooca maraakiibta ka hortaga ah iyo hub kale, sida ay wararku sheegayaan.

Moskva waa markabka labaad ee ugu weyn kuwa Ruushka ee la ogyahay in si ba’an loo waxyeeleeyay tan iyo intii uu duullaanku billowday.