Abiy oo dhaliilay Maamulada Dalkiisa

Abiye Ahmed, khudbadii uu saraakisha ciidamada ujeediyay,wuxuu aad u amaanay ciidanka oo uu sheegay inay shaqo kasta oo wanaagsan iyagu qabtaan.Abiye Ahmed,wuxuu ciidanka uga digay in la adeegsado, oo ay qowmiyad ahaan ugusoo gabadaan hoggaaminta, oo uu ku tilmaamay kuwo xatooyo,maamul xumo,qabyaalad iyo musuq baahsan ku sifoobay.

“Xiligii dagaalka kuwii carraray ayaa dooni inay idin qiimeyaan.Meelkasta oo ay shaqaaqo ka jirto idinkaa xaliya.Ka digtoonada inay idinku milmaan maamulka tuuggada ah.Ha noqonina ciiddan arrimaha qowmiga dhex dabaasha”; ayuu yidhi Abiye Ahmed.

Abiye Ahmed,wuxuu kaloo sheegay in la dhisi doono ciidan xoog baddan,si looga gudbo caqabadaha dalka ka alloosan iyo caddaadiska dibada(Ree galbeedka).

Abiye Ahmed,wuxuu carabka ku adkeeyay in maamulka shaqadoodii ciidamadu qabtaan.

Iskusoo duubo Abiye Ahmed,wuxuu u muuqday mid ka rajo dhigay heerarka kala duwan ee hoggaaminta.Haddalkiisa waxaa laga akhrisan karayay,mid ka cabsi qaba in khilaafka maamulada is haya ay ciidanka saameyaan.

Abiye Ahmed,wuxuu u ekaa mid doonaya inuu awood ciiddan ku xaliyo dhibaatoyinka dalka ka jira.(Guddi ciidan oo shidaal iyo sicir bararka xaliya la dhahay oo kale)


VOSS TV