Deni oo ay haysato qorshe xumo Olale Doorasho

Madaxweyne Deni,waxuu kawadaa Nayrobi kulamo uu la leeyahay Siyaasiyiinta iyo haldoorka Somaliyed.

Madaxweynihii hore Sh.Shariif ayay shalay wada Afureen oo kulan wada qaateen.

Maanta,waxaa la filayaa in uu la kulmo reer Puntland-ta waxii Nayrobi ka jooga Siyaasiyiin,Ganacsato iyo haldoor kale.

Mid ka mid ah Ragii ay isku seegeen kuraasta Xildhibaanimo oo la kulmay,waxuu ii sheegay in umuuqday Nin daalan oo hawshu ku badatay aadna umashquulsan.

Culayska Deni haysta,waxaa ka mid ah in uusan cidna aaminin oo wax walba isagu qabsado ama maamusho.

Dhaqaalaha,waxaa uhaya Walaalkii,dhamaan qorshayaasha Olale ee Doorashadiisana,isagaa Gudoomiye ka ah oo xogta toos loogu geeyaa go’aankana gaara.

Maleh Madax Olale Doorasho iyo koox la yaqaan oo Doorasho,waxuuse leeyahay gacan yarayaal shaqooyin kala gedisan uhaya.

Sidoo kale maleh qorshe Olale oo Puntlanderaysan oo soo jiidan kara haldoorka una keeni kara Qofka ka maqan ama ka fog.

Waa sidaasoo uu dhawaan ka tagay shaqada Madaxiisii Baratakoolka kadib Sharci deganaansho oo uu ka helay Maraykanka,inkastoo Nin dhalinyara ah loo qaatay booskaa hadana waa cusub yahay.

Culayskaas,waxuu ku keenay Deni in uu isagu toos uwaco Dadka oo balansado halka marmarna uu caawiyo Maxamed Faroole.

Jibril Qoobey.