Garyaqaanka Guud oo taageeray Go’aanka Gudoga Doorashada Ee Kursiga Fahad

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal u diray Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashada.

Xafiiska ayaa ku gacan sayray sheegashada guddiga doorashada HirShabeelle ee ah in doorashada kursigan loo maray habraacii saxda ahaa.

“Caddeynta ay sheegeen guddiga doorashada HirsShabeelle ma waafaqsana habraaca hirgalinta doorashada dadban, awoodna uma laha in ay iyaga oo doorashada qabtay haddana dhahaan waa sax,” ayuu yiri xafiiska garyaqaanka dowladda.

Waxa kale oo uu xafiiska garyaqaanka sheegay in qabashada doorashada kursiga HOP086 ay khilaafasan tahay habraaca hirgelinta doorashooyinka ee 1 October 2020, ay tahay awoodda guddiga doorashada heer federaal inay kormeerto, hubiso islamarkaana dabagasho habsami u socodka doorashada taasi oo uu khilaafay kursiga HOP086.

Wuxuu sidoo kale diiday awoodda ay guddiga xalinta khilaafaadka, oo kursigan horey u fasaxay, u leeyihiin inay sidaas sameeyaan, isaga oo sheegay in taasi aanay aheyn awooddiisa.

“Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka go’aankiisu ma khuseeyo go’aanada Guddiga GHDHF, sababtoo ah labada guddi waxaa kala hagaya laba habraac oo kala duwan,” ayuu xafiiska garyaqaanka ku yrii qoraalka.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda ayaa Maxkamadda Sare ka codsaday afar qodob oo kala ah:

1 Inay diiddo cabashada ay dhinaca kale (qareenada Fahad) usoo gudbiyay, maadaama aysan jirin go’aan maamul oo kama dambeys ah oo laga dacwoon karo, si waafaqsan qodobka, Saad, Faqr. 3 (b) ee XNGS 1962.

2- In ay ayiddo go’aannada guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal 2020/2021, ee summaddiisu tahay FEIT/2017/2022, ee tr. 17 Feb 2022, iyo Go’aanka kale ku soo baxay war-saxaafadeed tr. 06 April 2022, kuwaa oo loo gaaray hab-raac iyo hannaan waafaqsan wixii lagu heshiiyay.

3.In maxkamaddu ay go’aan uga gaarto dacwaddan si waafaqsan danta guud, caddaalaadda iyo shuruucda dalka.

4- In ay dhinaca kale saarto kharashka dacwadda si waafagsan qodobka 62 XHMS.