Midowga Afrika oo Wakiil cusub usoo magaacabay Somaliya

Howlgalka Midowga Afrika ee Kmg ah ee Somaliya ayaa la filayaa in uu yeesho hoggaamiye cusub maalmaha soo socda kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya dowladda martida loo yahay iyo madaxa howlgalka todobaadkii hore.

Howlgalka Midowga Afrika ee Kmg ah ee Somaliya,ayaa la filayaa in uu yeesho hoggaamiye cusub maalmaha soo socda kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Dowladda martida loo yahay iyo madaxa howlgalka todobaadkii hore.

Ilo diblomaasiyadeed,ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican in ay tahay “wax aan macquul ahayn” in Francisco Madeira uu ku soo laabto Somaliya ka dib markii Waddanku ka xayuubiyay mudnaanta diblomaasiyadeed.

Ilahaas Diblomaasi,ayaa sheegay in Madeira, oo u dhashay Mozambique, lagu cadaadiyay inuu iska casilo xilka si aysan ugu ekaan in shaqada laga eryay.

Madaxii Howlgalka Midowga Afrika ee Kmg ah ee Somaliya (Atmis) ayaa u dabaaldegi lahaa dhowrkii toddobaad ee ugu horreeyay ee nooc cusub oo nabad ilaalin ah, ka dib markii Amisom, oo u badan howlgal milateri oo Al-Shabaab ah, oo socday 13-sano, la bedelay.

Si kastaba ha ahaatee, xilliga kala guurka ah,ayaa ku soo beegmay iyadoo ay soo shaac baxday in Madeira uu dhibaato kala kulmay Dowladda Fadaraalka Somaliya, kaddib markii uu soo baxay cod uu ku canaantay mas’uuliyiinta Dowladda kuna aflagaadeeyay Beelaha Somaliyed iyo Siyaayisiin ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore.