Akhriso:-Jadwalka Doorashada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalka

18-ka April waxaa labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka iskugu imaanayaan kulan wadajir ah oo lagu ansixinayo xeerarka doorashada Guddoonka labada Aqal.

19-ka ilaa 20-ka Bisha oo ku aadan Talaadada iyo Arbacada,waxaa dhacaysa diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Shacabka,saacadu markay tahay 9-ka Subaxnimo ilaa 4-ta Galabnimo.

Bisha 23-keeda,waxaa dhacaysa hadal jeedinta musharaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Bisha 24-keeda April,waxaa dhacaysa hadal jeedinta musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.

Bisha 25-keeda ilaa 26-keeda waa Labo maalmood oo la siiyay Musharaxiinta si ay olale usameeyaan.

27-ka bisha,waxaa dhacaysa Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka Fadaraalka.

Jibril Qoobey.