Muxuu ku salaysan yahay Shirka Beelaha Leelkase iyo Xawaadle ?

Warar laga soo xigtay Xildhibaanada Puntland ee ku sugan Magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in Xildhibaanada labada Beelood ee Leelkase iyo Xawaadle uu shir uga socdo Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay…

  1. Xildhibaan Sanbalooshe
  2. Xildhibaan Ahmed Taajir

Shirkan,ayaa waxaa ka biyo diiday qaar ka mid ah Raga ugu dhow madaxda Puntland sida Maxamud Shiddo oo isku dayey inuu baajiyo shirkan balse ku guul dareystay.

Labada beelood,ayaa ka wada hadlaya sidii ay u sameysan lahaayeen gaashaanbuur siyaasadeed.

Arrintan ayaan la hubin cidda ka dambeysa ama ka faa’ideysan doonta.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Xildhibaanada Puntland,ayaa aad uga xumaaday arrintan oo ay u Arka dhabar jab.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu si dhaqso ah ku yimaado Magaalada Muqdisho si loo xakameeyo is bar baryaac tiro badan oo ka muuqda Xildhibaanadii Puntland ka yimid..

Jibril Qoobey.