Muxuu yahay hadafka uu ka leeyahay Kitaab gubista Cunsuriga reer Denmark?

Paludan oo ah qareen Denmark u dhashay ayaa sanadkii 2017 asaasay xisbiga Stram Kurs oo micnihiisu yahay “Xagjir”.

Xisbiga oo ah mid ku dhisan afkaarta Islaam naceybka iyo soo-galooti diidka ayaa isku tilmaama inuu yahay “kan ugu waddanisan Denmark”.

Doorashadii guud ee Denmark ka dhacday 2019, xisbiga Stram Kurs ayaa helay 1.8% codadkii la dhiibtay, taasoo muujinaysay in aanu shacbiyad ku lahayn gudaha waddankaas.

Muuqaal uu sanado ka hor duubay Paludan ayuu waxaa ku jiray qeyb uu ku sheegay inuu jeclaan lahaa in Muslimiinta laga “tirtiro dunida oo dhan”.

Bishii August 2020. Xisbiga Stram Kurs ayaa xaafadda Rosengård ee magaalada Malmö ku qabtay “xaflad Quraan gubis ah”, taasoo dhalisay dibedbaxyo rabshada wata oo hareeyay magaaladaas.

Muslimiinta Sweden ayaa ku baaqay in dastuurka dalkaas lagu daro qodob mamnuucaya aflagaadeynta diimaha, si aanay fursad u helin kooxaha xagjirka ah, sida Rasmus Paludan iyo xisbigiisa Stram.