Qorshe lagu fashilinayo Kulanka Wadajirka ah Ee Baarlamaanka oo socda

Maalinta barri ah Waxaa jira kulan Wadajir ah oo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo.

Ajendaha kulanka,ayaa ah….

  1. Warbixin kooban ee Guddiga qaban-qaabada iyo baahinta Jadwalka.
  2. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka Labada Gole iyo Madaxweynaha.

Dhanka kale waxaa jira aragti la abaabulayo oo oranaysa dib haloo dhigo Doorashada Gudoonka Baarlamaanka.

Tiro Xildhibaano ah,ayaa durba soo bandhigay taageerada ay uhayaan aragtidaas.

Xildhibaanadaas,waxay ku doodayaan si Bishan Barakaysan loogu helo firaaqo cibaadada ku dhex jirta Gudoonka hala doorto Ciida kadib.

Balse,waxay ilo muhiim ah xaqiijinayaan in fikradan ay gadaal ka riixayaan kooxda Fahad oo ka dhex aragta fursad.