Ma Ciidan buu ka qoranayaa Ruushka Dalka Itoobiya?

Itoobiyan tiro baddan ayaa ku xoomay safaarada Ruushka,kadib markii ay maqleen in la qorayo dad dalkaas ka dagaalama.

Xubno dadka safaarada safafka ugalay kamid ah ayaa yidhi; “waxaan maqalnay in halkan laga qorayo dadka khibrada ciidan leh.Intii aan nolasha adeegee Itoobiya ku silci lahayn,waxaan go’ansanay inaan nasiibkena tijaabino”.

Dhanka kale,Safarada oo ay Bbc-du arrintan wax laga waydiisay ayaa sheegtay inaysan ahayn goob dadka laga shaqaaleysiiyo,xiligana aysan qoranayn ciidan.

Itoobiyankii waxay leeyihin silica iyo nolashan adag dagaalka Ukraine,ayaa noo dhaantee na qaada.


VOSS TV