Deni oo soo rartay Puntland,ayaa ka degay Xamar

Deni oo ay galbinayaan ku dhawaad 160-Qof oo iskugu jira Golayaasha Dowlada iyo haldoorka kale ee reer Puntland,ayaa ka degay Xamar.

Soo dhaweyn aad loo diyaariyay oo laga dareemay Muqdisho,ayaa loo sameeyay.

Sida wararku sheegayaan Deni,waxuu mar kusoo laaban doonaa Garowe Doorashada Gudoonka Baarlamaanka kadib.

Tagidiisa Xamar si gaar ah reer Puntland waxay ugu tahay sharaf ,sababtoo ah,waxuu huwan yahay maqaamkoodii Dowladnimo.

Sidoo kale in laga helo reer Puntland Musharax han Madaxweyne leh oo saamayntiisu culus tahay waa magac sare.

Gabadhii Jaarles Taylar codkeeda siisay si uu Liberia Madaxweyne uga noqdo waxay tiri….

“Anoo og in uu Aabahay,Hooyaday iyo Walaalkay dilay,ayaan hadana Codkayga waxaan usiinayaa si ay Liberia uhagaagto”

Deni anagoo og in uu yahay Jarles Tayleerkii Puntland oo naga galay danbiyada kala…

1.In uu colaad sokeeye na galiyay.
2.In uu Ciidankeenii kala qaybiyay.
3.In uu Dadkeenii kala qaybiyay.
4.In uu Qoyskiisa awoodi Dowlada ukufiyay.
5.In uu Koox gaar ah ugacan geliyay ilo dhaqaale oo loo sinaa.
6.In uu nagu Qalafsanaaday.
7.In uu noo dulqaad yaraa.
8.In uu soo rartay Dowladnimadii PL oo uu rabo 2–bilood oo danbe in ay kooro oogadeed ay siisaarnaato.

Intaasba intaan liqno aan garabsiino hankiisa Anagoo ka duulayna…

1.In aan F&F aysan Dalkan mar danbe ka talin.

2.In nidaamka Diktatooriyada uusan Dalkan kusoo laaban.

3.In Dalkan aan lagu xukumin Sirdoon,Guulwade iyo mid shahaada suurta fura.

4.In Nidaamka Fadaraalku uu fariisto.

5.In Ciidanka Qaranku dhismo.

6.In qaybsiga khayraadku hirgelo.

7.In argagixisada Dalka laga saaro.

8.In nidaamka Dowladeed uu wada gaaro Dalka.

9.In Somaliland lala gaaro xal ay qayb uga sii ahaan karto midnimada.

Deni ugu yaraan F&F,ayuu ku dili karaa kaydkii Puntland ee iskugu jiray dhaqaale iyo awood Dowladnimo ee uu soo qaatay ee aan uga faa’idaysano dilkaas.

Jibril Qoobey.