Farmaajo fursad uu markale dalka ku hogaamiyo ma leeyahay?

Askar xoogaa ah,ayaa jooga SYL Hotel,waxaa kaloo ku sugan C/nuur-kii Madaxtooyada.

Xogo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in F&F Xildhibaano gacantooda lagu tirinayo la dajinayo Hotelka.

Sidoo kale Hotelada Xaawo Taako & Dorpen,ayaa iyagana la dajinayaa Xildhibanadaas qaybo ka mid ah,sida wararku sheegayaan.

Tiro lagu qiyaasay 40-Xildhibaan,ayaa hada loo tirinayaa in ay ku jiraan gacanta F&F.

Dadka la socdaa olalaha Labadaas Nin,waxay sheegayaan in ay maalgashteen Kutlad gaaraysay 160-Xildhibaan,balse xaailku uu umuuqdo 4-meelood oo meel in la hayo.

Xataa Xildhibaanada hada la jooga F&F,ayaa si cad kuugu sheegaya in ay Odayga Farmaajo ah saarka ka tumayaan balse siyaasiyan uu dhintay oo Dalkan aysan ugu harin Kaarar danbe oo uu xoqdo.

Saadaashu waxay xiligan tilmaamaysaa in ay ubadan tahay in uu tanaasulo Farmaajo,hadiise ay noqoto in uu soo galo Hoolka waxuu heli doonaa,waxaan ka badnayn 40-Cod wareega 1-aad,isla markaana Wareega 2-aad waxba uguma siyaadayaan oo malaha fursad siyaasadeed oo nool.

Jibril Qoobey.