Fursada Sh.Shariif Ee Madaxweynanimo oo ay haysato caqabado dhaqaale

Madaxweynihii hore Sh.Shariif,waxuu kusii jeedaa Jowhar oo uu ku geli doono Doorasho Kursi Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah.

Kursigaas,ayaa uxiran oo uu mudo naawilayay Sh.Shariif.

Soo qaadashadiisa Kursiga Xildhibaanimo,waxay muujinaysaa in fursada uu ku noqon karo Madaxweyne ay hoosayso oo uu rajo xun yahay.

Dadka la socda olalihiisa Musharaxnimo,waxay xaqiijinayaan in dhaqaale yari ay haysato baahsan,balse siyaasiyan uu nool yahay.

Xildhibaanada kasoo baxay Koonfur-galbeed intooda badan Qofka ay uhayaan rabitaanka waa Sh.Shariif waxayna u arkaan ka Digil iyo Mirifle ahaan in isaga dani ugu jirto oo ay la shaqaysan karaan xushmad horana ay uhayaan.

Madaxweyne Sh.Shariif oo dhaqankiisa iyo dabeecadiisa ay Somalidu uhayso rabitaan haduu helo wareega 1-aad 30-Xildhibaan waxuu leeyahay rajo sare oo uu ku noqon karo Madaxweyne.

Balse in uu helo 30-Xildhibaan oo xasil ah,waxay ubaahan tahay in uu maalgashto oo diyaarsado 120-Xildhibaan.