Khasaraaha hantiyeed Ee ka dhashay fataahadaha Koonfur Afrika

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphose, ayaa ku ku dhawaaqay in daadadkii qaaday gobollada KwaZulu-Natal iyo Eastern Cape masiibo qaran.

Madaxweynaha ayaa hawl geliyey toban kun oo ciidan ah oo ka qayb qaadanaya hawlaha gurmadka ee gobolladaa ka socda ee biyo nadiifa iyo cunto lagu gaadhsiinayo.

Bashiir Macallin Cabdullahi oo ku nool magaalada Durban, ee gobolka Kwazulu-Natal oo kamid ah dadka ku wax yeeloobay daadkaasi ayaa khasaaraha hantidiyeed ee soo gaadhay uga waramay Axmed-badar oo marka hore weydiiyey bal hadda sida ay tahay xaaladda guud ee gobolkaas uu ku nool yahay.