Maxaa laga rabaa hogaamiyaha 4-ta sano hogaamin doona Somaliya?

Hogaanka iyo Howsha socota:

Baaritaan dheer (research) ku aadan afarta sano ee soo socota ayaa lagu soo koobay in Dalka loo dooro hogaan ka shaqeeya Afar arrimood:

  1. Hogaan ilaaliya Midnimada Dalka (Unifying figure)
  2. Hogaan Alshabaab ka xoreeya Koofur Soomaliya oo adeegsanaya (Dagaal, Heshiis iyo Dhismaha Maamulada)
  3. Kobcinta Dhaqaalaha sida: ( Mideynta canshuuraha, Maal-gelin, Deny cafinta, Kaabayaasha Dhaqaalaha)
  4. Xasilooni siyaasadeed (Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, Meel marinta shuruucda qabyada ah, ku-dhaqanka/sareynta sharciga, Xiriirka Caalamka)

Hogaamiye intaas isugu keen qabta ayaan u baahanahay. Afar sano oo ka muhiimsan, soddonkii aan soo dhaafnay ayaa ina hortaal!

Guul Soomaaliya..

Burhaan Dio Mio.