See ukala leeyihiin Dowlada iyo Shirkada Wadaagsin shaqada Dekeda Garacad?

Dekeda Garacad amaankeeda iyo maamulkeeda,waxaa ka masuul ah Dowlada Puntland ee ku timid Dastuurka lawada dhigtay.

Mid kale waxay tahay dhaqaalaha galay Dekeda,waxaa ku jira ku dhawaad 20-Milyan oo dolar oo ahaa Dhulkii Dowlada ee loo iibshay.

Cabdinaasir Biixi Soofe waa mid ka mid ah Gudiga sare ee Dekeda,hadana ah maalgashade saami ku leh magacaabistiisana,waxaa soo gudbiyay isla Gudiga.

Waxaa jira Maareeye kale oo ay leedahay Shirkada maalgashatay Dekeda ee Wadaagsin.

Labada Maareeye shaqadooda iyo miisaaniyada ay kala maamulayaan way kala duwan tahay.

Horay,ayaa Dowladii Gaas,wax badan kala qortay oo dajisay habka loo wada shaqaynayo.

Muxuu yahay doorka Dowlada?

Dowlada Puntland waxay masuul ka tahay Amaanka,Canshuurta iyo jihaynta maamul ee Dekeda.

Dowladu waxay canshuur ka qaadaysaa waxa uu sido Markabka ama Doonta Dekeda kusoo xirma.

Sidoo kale Dowladu waxay canshuur ka qaadaysaa Neefka Xoolaha ah iyo Agabka kale ee ka dhoofaya Dekeda.

Muxuu yahay doorka Shirkada Wadaagsin ?

Shirkadu waxay maaraynaysaa hawlaha shaqo ee ugaarka ah iyo khidmada ay xaqa uyeelatay.

Markabka iyo Doonta soo xiranaya waxay ka qaadaysaa khidmada Parkin-ka uu kusoo xiranayo.

Wiishka wax dajinaya,iyadaa iska leh.

Gaariga qaadaya Kunteenarka ee banaanka gaynaya,iyadaa leh.

Parkin-ka Kuntuneerka la dhigayo,iyadaa leh.

Waxay kaloo qaadaysaa khidmad ah nadiifinta Dekeda.

Dowlada iyo Shirkada wax iskaga daadsan maba jiraan waana ukala cadahay shaqada labada Maareeye.

Garacad ha guulaysato.

Jibril Qoobey.